Qoyska Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka dhoofay Muqdisho

by admin | Friday, Mar 3, 2017 | 151 views

Sida ay sheegayaan wararka qoyskan oo ka koobnaa carruur ayaa saaka u ambabaxay dalka Turkiga, halkaasoo ay degan yihiin qeyb ka mid ah qoyska Madaxweynihii hore Xasan Sheekh.

Wararka ayaa sheegaya in maalmaha soo socda ay Muqdisho ka dhoofi doonaan xubno kale oo qoyska Madaxweynihii hore ka mid ah.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa isna la filayaa inuu Muqdisho ka ambabaxo todobaadyada soo socda, hase ahaatee muddo kaddib ayuu dib ugu soo laaban magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa doonaya inuu bog cusub u furo madaxdii hore ee dalka soo martay, oo marka laga guuleysto ay dalal dibadda ah magangalyo ka heli jireen, balse waxaa la sheegayaa inuu dalka ku negaan doono oo ay koobnaan doonto safarada uu dibadda ku aadi doono.

Qoysaska Madaxweynihii hore ayaa kala degan dalalka Turkiga iyo Tanzania, halkaasoo ay ku nool yihiin carruurta ay u dhaleen Xaasaskiisa.

Like it? Share it!

Leave A Response