QM oo soo saartay tirade dadkii ay dileen askarta dowladda iyo Amisom 2016

by Hassan Ali | Wednesday, Jan 18, 2017 | 141 views

18,January,2017(SofoNews) War ay soo saareen hay’adaha QM ayaa lagu sheegey Ciidamadda Militariy-ga Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee Amisom ayaa 92 Ruux oo shacab ah Dileen Afartii Bilood ee Udambeysay Sanadkii Dhamaaday ee 2016.

Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa xustay in Dadka Shacabka ah ee ay Dileen Ciidamadda AMISOM  iyo kuwa Soomalia ay ka Badanyihiin kuwa loo aaneeynaayo Al-shabaab in ay Tileen Sida lagu Xusay Warbixinta Xoghaya Guud ee QM uu u gudbiyay Golaha amaanka.

Sida Warbixinta Qaramadda Midoobe ku Cad Ciidamadda Booliiska iyo Military-ga Soomaliya waxaa ay Dileen 55 ruux Shacab ah, Halka kuwa AMISOM ay Dileen 37 kale.

Sidookale waxaa warbixinta Lagu sheegay in Al-shabaab ay Dad badan oo shacab ah ku Dileen Soomaliya Afartii Bilood ee u Dambeysay Sanadkii Dhamaaday, waxaayna QM sheegtay in Dib loo Tirinayo Tiradda Dadka Shacab ka ah ee ay Dileen Al-shabaab.

Marka laga soot ago warbixintaasi QM majiraan wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowladda Soomaaliya eek u aadan eedeymahaasi, hase ahaatee waxaa la aaminsanyahay in ay jiraan dilal iyo dacaddi ay shacabka kala kulmaan dhinacyada isku hayaa siyaasadda Soomaaliya.

Like it? Share it!