QM oo ka walaacsan ka bixitaanka Itoobiya ee Soomaaliya

by Hassan Ali | Friday, Oct 28, 2016 | 157 views

28,Oct,2016(SofoNews) Ayadoo ciidamada Itoobiaya ay isaga bexeen qeybo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa hay’adda gargaaraka ee qaramada midoobay ee OCHA ayaa warabixin kasoo saaray xaalada bani aadnimo ee ka dhalatay ka bixitaanka ciidamada shisheeye ee gobolo Soomaliya ka tirsan

Waxaanay sheegeen in laga soo bilaabo July 2016 , ciidamada hubaysan ee aan dawlada ahayni la wareegeen sideed meelood oo ka tirsan Galgaduud, Hiiraan , iyo Bakool kadib markii halkaasi ay ka baxeen ciidammadii Itoobiya.

Taasina waxay keentay in dad badan ay lasoo gudboonaato xaalad adag oo xaga amniga ah isla marakaana ay adkaato kaalmeeynta baniaadninmo iyadoo awalba dhulkaasi ay ahayeen qaar ay adag tahay sida lagu gaadhaa.

Hay’adda ayaa sheegtay in Meelaha ay ciidamada shisheeye ka bxeen ee ay la wareegeen kooxo hubaysan oo aan dawlad ahayni waxaa kamidda Rab Dhuure, Bur Dhuxelne, Garasweyne iyo Tayeeglow oo Bakool ah. Budbud iyo Galcad Oo gobolka Galgaduud ah. Moqokori, Ceel Cali iyo Halgan ayaa iyana ah

Hiiraan , kumaanan qof ayay cabsi lasoo daristay iyadoo qaar badana oo dadkii goobahasi daganaa ay barakaceen waxaana sidoo kale jira dada aad u fara badan oo haatan ka soo cararay goobihii ay ka bexeen ciidamadaasi oo shabaabku ay qabsadeen.

 

Like it? Share it!