Qilaafka quwadaha Mareykanka iyo Ruushka oo circa isku sii shareerey

by Hassan Ali | Friday, Dec 30, 2016 | 190 views

30,December,2016(SofoNews) Brack Obama madaxweynaha maraykanka ayaa amar ku bixiyey in dalkiisa laga eryo 35 diblomaasi oo u dhashay dalka Ruushka  kuwaasoo loo qabtay iney 72 saacadood gudahood uga baxaan dalkaas.

Talaabadan aya la rumaysan yahay in ay jawaab cad ay u tahay waxa xukuumadda Washington  au  ku tilmaantay bahdilka ay xukuumadda Ruushku ku hayso saraakiil Maraykan ah iyo arrimihii weerarka xagga Internetka ee xilligii ay doorashadu socotay.

Madaxweynaha Mareykanka Obama ayaa ku tilmaamay tallaabadaas inay tahay jawaab ku haboon juhdiga ay Ruushku galiyeen inay ku waxyeelleeyaan danaha Maraykanka.

Laba dhisme oo Ruushku leeyahay ayaa la xiray, waxaana xayiraad la saari doonaa shakhsiyaad la magac dhabey oo lagu eedeeyey iney xiligii doorashada jabsadeen kombiyuutarada xisbiga Dimoqraadiga.
Waaxda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in 35 diblomaasi oo Ruush ah dalka laga eryey, kuwaasoo ka hawl galayey safaaradda Ruushka ee Washington iyo qunsuliyadda Ruushka ee San-Francisco.

Afhayeen u hadlay Kremlin-ka ayaa xayiraadahan ku tilmaamay kuwo aan sharci ku fadhin, wuxuuna intaa ku daray in madaxweyne Vladimir Putin uu ka baaraan degayo inuu qaado tallaabooyin kuwaasoo la mid ah oo looga aargudanayo Maraykanka.
Talaabooyin kale oo dheeraad ah ayuu sheegay Mr Obama inay xigi doonaan, kuwaasoo ka dhan ah dowlada Ruushka.

Xukuumadda Moscow ayaa la soo sheegayaa iney xirtay Iskuul iyo xarun kale oo Maraykanku ku lahaa magaalada Moscow ee dalkaasi Ruushka .

Like it? Share it!