Qasaarihii ka dhashey qarixii maanta Muqdisho oo kordhay

by Hassan Ali | Sunday, Feb 19, 2017 | 172 views

19,February,2017(SofoNews) Waxaa sii kordhaya qasaarihii ka dhashey qarixii maanta ka dhacay Xaafada Kaabo Godey ee Degmada Wadajir gobolka Banaadir kaasi oo tirada dadkii ku dhintay ay sii kordhayso.
Qaraxaasi oo ka dhashey gaari laga soo buuxiyaya walxaha qarxa
waxaa ku dhintay In ka badan 30-qof waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay dad ka badan 40-qof oo qaarkood la sheegay in ay qabaan dhaawacyo aad u culus.
Dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxan xoogan ee ka dhacay Suuqa Kaawo Godey ayaan helin gurmad deg deg ah, waxaana daqiiqado badan kadib halka uu qaraxu ka dhacay gaaray gaadiidka Amplaasta kuwaa oo markii dambe goobta ka qaaday dhaawacyada iyo dadka dhintay.
Saraakiil katirsan laamaha amaanka dowladda Soomaaliya oo goobtaasi gaaray ayaa sheegey in qasaare xoogan uu geystay qaraxaasi ayagoo wada baritaano ku aadan sida ay wax u dheceen.

Like it? Share it!