Qaraxyo xoogan oo Muqdisho ka dhacay

by Hassan Ali | Monday, Jan 2, 2017 | 175 views

2,1,2017(SofoNews) Sida ay goob joogayaal u xaqiijiyeen SomaliaFocus,qaraxa hore ayaa ka dhacay bar koontarool oo kutaala halka laga soo galo garoonka Aadan Cadde gaar ahaan wadada ka timaada Isgooska Danwadaagaha, waxaana koontaroolkaasi ku sugnaa ciidamo katirsan Nabad Sugida Soomaaliya.

Waxyer kadib ayaa gaari waxyaabaha qarxa isna laga soo buuxiyya uu kasoo gudbay koontaroolka qaraxii hore uu ka dhacay, waxaana gaariga labaad uu isna ku qarxay Bar koontarool oo kutaala albaabka Xarunta Xalane gaar ahaan Albaabka loo yaqaan Madiina Gate.

Qasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxyadaasi, oo dhacay xili duhur ah waxaana nawaaxiga goobtaasi ka soconaya howlagalo, arrintani ayaa saameyn ku yeelatay isu socodka dadka iyo gaadiidka.
Wali si rasmi ah looma oga qasaaraha dhimadho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxyadan xoogan ee ka dhacay agagaarka Garoonka Aadan Cadde gaar ahaan koontarool ku dhaw xarunta Xalane ee Taliska AMISOM.

Qaraxyada kadib ayaa la maqlay rasaas xoogan oo dhaceysay, walina lama oga in rasaastaasi ay aheed mid ciidamada amaanka ridayeen iyo mid kale, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska AMISOM iyo kan Dowlada.

Qaraxyadan Xoogan ayaa bur bur xoogan gaarsiiyay guryo badan iyo Hoteelo kuyaala halka ay ka dhaceen, waxaana qaraxyadan ahaayeen kuwa si weyn jugtooda looga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho.

Arrimahani aya dhacaya ayadoo magaalada Muqdisho ay ka soconayaan ololaha doorashooyinka baarlamaaniga ah iyo tan madaxweynaha.

Like it? Share it!