Qaraxyo iyo weerar ka dhacay Mandhera waxaa ku dhintay dad Ajaaniib u badan

by admin | Tuesday, Oct 25, 2016 | 154 views

Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhaawacmay markii dabley hubeysan ay weerar ku qaadeen goob ay daganaayeen dad ajbi ah oo ku taal Magaalada Mandeera ee Waqooyig Bari dalka Kenya.

Weerarkan oo dhacay Aroortii hore ee saakay oo talaada ah ayaa loo adeegsaday bombaanooyinka gacanta laga tuuro sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidamad Amaanka Mandheera.

Wadarta 10 qof oo ay ku jiraan kuwii dhaawacmay ayaa laga soo badbaadiyay goobta la weeraray halkaas oo deegaan u aheyd 33 ruux oo Ajaanib u badnaa.

Booliska ayaa ka cabsi qaba in wali dad dhibanayaal ah oo badbaado u baahan ay ku jiraan gudaha Bisharo Guest House, laakiin ay adag tahay in wax loo qabto.

Dableyda weerarkan fulisay ayaa la aamin san yahay in ay Al Shabaab yihiin kuwaas oo u baxsaday dhanka Xadka Soomaaliya ay la wadaagto Kenya.

Waa Weerarkii labaad oo nuucani oo kala ah oo lagu bartilmaameedsado dad ajnabi ah Magaalada Mandhera mudo ka yar bil.

5tii October, weerar la tuhunsan yahay in Alshabaab ay qaadeen ayaa lagu qaarajiyay lix qof ayaa Magaalada Mandheera.

Falkan ayaa dhacay xilli ay dadkan jiifeen. Boolisku waxa ay sheegeen in raga weerarka soo qaaday ay si aan kala sooc laheyn u toogteen dadkii halkaa ku suganaa kaddibna ay goobta ka baxsadeen.

Al Shabaab weerarka dhacay saakay oo talaada ah wali ma sheegan, hase ahaatee horay ayay Xarakadu u sheegtay in dalka Kenya ayaa ka fulin doonaan weeraro aan kala go’lahyen tan iyo inta ciidankoodu uu ka baxayo ciida Soomaaliya.

Like it? Share it!