Qarax xoogan oo Muqdisho ka dhacay iyo dad badan oo ay ku dhinteen

by Hassan Ali | Sunday, Feb 19, 2017 | 167 views

19,February,2017(SofoNews) Sida goob joogayaal ay ku waramayaan qaraxan ayaa ka dhacay goobo ganacsi oo mashquul u aheyd, sida meel qaadka lagu iibiyo, maqaayado, iyo goobo kale waxaaan uu geystay qasaare dhimasho iyodhaawacba leh.
Hey’adaha ammaanka ayaa sheegaya in qayaas ahaan illaa 30 qof ay ku dhinteen qaraxan oo ahaa mid aad u xooggan oo laga maqlay goobo kala duwan waxaana uuu sababay qasaare intasi ka siibadan
Dadka deegaanka Xaafada Kaawo Godey ayaa sheegaya in tirada dhimashada ah ay gaarayso ilaa 15 qof oo ahaa dad shacab ah ookusugna goob ganacsi oo xiligaasi aad u mashquulbad nayd.
Guddoomiyaha degmada Wadajir ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay goob suuq ah, isla markaana uu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Goobta falkaasi uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray saraakiil iyo ciidamo, kuwaasi oo wada howlgalo balaaran oo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyey falkaasi

Like it? Share it!