Qarax xoogan oo dad ay ku dhinteen oo k a dhacay dalka Ruusha

by Hassan Ali | Monday, Apr 3, 2017 | 93 views

3,March,2017(SofoNews) Warbaahinta dalka Ruusha ayaa tabinaysaa in Labo qarax ay ka dheceen goor dhoweyd goob laga raaco tareenada dhulka hoostiisa mara oo ku taalla magaalada St Petersburg ee dalka Ruushka kaasi oo dhaliayaya qasaare xoogan.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegeye in Dad ka badan toban ruux ay ku dhinteen qaraxyadan halka 50 kale ay ku dhaawacmeen waxaana dadka dhaawacyada qaba loo qaaday isbitaalada magaaladaasi kuyaala
Inkastoo aan laxaqiijin karin qasaaraha rasmiga ah ayaa hadana waxaa Qaraxyadan ku soo aaday xili uu magaaladaas ku sugan yahay madaxweynaha dalkaas Vldamir Putin oo halkaas kaga qeyb galaya shir looga hadlayo arrimaha warbaahinta.
Madaxweyne Vldamir Putin ayaa sheegay in la baarayo qaraxyada iney yihiin kuwo argagaxiso iyo in kale saraakiisha laamaha amanaka dalka Ruusha ayaa bilaabay fulinta awaamiir dhanka amniga ah oo uu soo saray madaxweyne Putin.
Cidamada sia gaarka ah u tababaran ee dalka Ruushka iyo kooxaha gurmadka ayaa buux dhaafiyey goobta qaraxyadan ay ka dhaceen oo xaalad jahwareer leh laga soo sheegayo.

Like it? Share it!