Qarax Muqdisho lagula eegtey wasiirka kaluumeysiga Soomaaliya

by Hassan Ali | Monday, Mar 13, 2017 | 207 views

13,March,2017(SofoNews) Waxaa goor dhow qarax xoogan uu ka dhacay wadada Maka Almukaramaha ee magaalada Muqdisho kaasi oo geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac intuba.
Goobjoogayaal ayaa sheegayaa in qaraxa uu ka dhacay meel u dhow Hotelka Wehliye ee magaalada Muqdisho,waxaa goobtaasi gaaray mas’uuliyiin kalduwan iyo saraakiil.
Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa la sheegy in lagu beegsaday wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Soomaaliya MAx’ed Cumar Ceymoy, lamana oga in waxyeelo soo gaartay iyo inkale.
Gaadiidka Gurmadka deg dega ayaa kusoo qul qulaya Hotelka uu qaraxu ka dhacay kuwaa oo ka qaadaya dhaawacyada ka dhashay qaraxan, waxaana aaga uu qaraxu ka dhacay yahay mid mashquul badan.
La soco wixii faah faahin ah gor dhow

Like it? Share it!