Qarax miino oo ka dhacay degmada Buurhakaba

by Hassan Ali | Monday, Jan 23, 2017 | 190 views

23,January,2017(SofoNews) Ilo wareedyo ay SomaliaFocus ka heleyso Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo kusugan degmadaasi lagu qaaday weerar loo adeegsaday bombaano.

Qaraxa ayaa ahaa Miinada Dhulka lagu Aaso,waxaana loo dhigay Ciidan ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo ku socdaalayaay degmadaasi sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi uu sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac balse aan si rasmi ah loo xaqiijin Karin qasaaraha rasmiga ah.

Ciidamada ayaa howlgalo baaritaano ah ka bilaabay xaafadah degmadaasi BuurHakaba ee gobolka Bay ayagoo baadi goobaya dadkii ka dambeeyeey weerarkaasi.

Dhowr jeer ayaa weerar qaraxyo loo adeegsaday waxay ka dheceen degmadaasi Buurhakaba oo ay ku suganyihiin ciidamada dowladda Soomalaiya.

Like it? Share it!