Qarax loo adeegsaday gaari oo goor dhow ka dhacay Muqdisho

by Hassan Ali | Thursday, Dec 15, 2016 | 188 views

15,December,2016(SofoNews) Barqanimadii maanta ayaa Gaari laga soo buuxiyaay walxaha qarxa wuxuu ku qarxay inta u dhexeysa Tiyaatarka Qaranka iyo Ex-Fiyoore ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha laamaha amanaaka dowladda Soomaaliya  sheegay in Gaariga qarxay uu ahaa nooca raaxada, kaas oo si xoog ah kusoo dhaafay goobta baarista gaadiidka ee agagaarka Theatre-ka.

Wararka ayaa sheegaya in Gaarigani uu halkaasi ku rogmaday, isla markaana uu ku dhintay wadihii gaarigasi,halka ay Saddex Rayid ah oo goobta ka dhowaana ay ka dhaawacmeen.

Ciidamada ammaanka ayaa feejignaan dheeri ah ku jiray xilligii uu falkaasi dhacay, ayadoo lagu amray dadka in aanay u dhawaan gaariga kadib markii uu codsaday in loo gargaaro.

Dhanka kale, Taliyaha Ciidanka qaybta Waliyoow Cadde ee Gobolka Banaadir,Col: Maxamed Daahir ayaa sheegay in Qaraxa lala damacsanaa Gaarigiisa oo goobta marayay, balse uu ka badbaaday.

Like it? Share it!