Qarax ka dhashey qasaare oo maanta Muqdisho ka dhacay

by Hassan Ali | Wednesday, Apr 5, 2017 | 109 views

5,March,2017(SofoNews) Qaraxan oo ka dhashey qasaare nafeed iyo bur bur ayaa daqiiqado ka hor waxaa uu ka dhacay goordhaw meel aad ugu dhaw xarumaha Wasaarada Amniga gudaha io Wasaarada Dhalinarada Isboortiga oo kutaala in u dhaxeysa Taalada Dal Jirka Dhasoon iyo Hotel Jubba ee magaalaad Muqdisho .
Joobjoogayaal ku sugnaa halkaasi ayaa sheegey in ay arkayeen dad shacab ah oo ku dhaawacmay qaraxaasi oo ahaa mid ka dhashey gaari laga soo buuxiyaay waxyaabaha qarxa taasi oo inta badan caadi ka noqotay magaalada Muqdisho.
Maqaayada la qarxiyay ayaa kutaala dhinaca Degmada Boondheere waxaana dhawaan laga furay halkaasi, dad badan ayaa kusugnaa halka qaraxa uu ka dhacaya.
Wali lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxan xoogan, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray cidamo katirsan Nabad sugida iyo booliiska kuwaa oo bilaabay baaritaano ku aadan qaraxan.
Wadadaasi oo qaraxa uu ka dhacay ayaa ah goob inta badan mashquul xoogan uu kajiro waxaana si xowli ah u socda isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Like it? Share it!