Qarax ka dhashey miino dhulka lagu aasayaay oo Muqdisho dad ku dilay

by Hassan Ali | Tuesday, Mar 28, 2017 | 131 views

28,March,2017(SofoNews) Waaberigii saaka ayaa Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac wuxuu ka dhacay qeybo kamid ah wadada Warshadaha ee magaalaada Muqdisho kaasi oo la sheegey in uu ahaa mid xoogan.
Dadka dhintay ayaa goob joogayaal ku sheegey in ay gaarayeen ilaa 3 qof oo kamid ahaa dadkii qarxaasi dhulka ku aasayaya.
Qaar kamid ah dadka degan ag agaarka goobta qaraxaasi uu ka dhacaya ayaa sheegaya in ay arkayeen meydadka ilaa 3 qof lamana sheegin cidkale oo wax ku noqotay.
Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ayaa sheegaya in qaraxan la aasayay xilli saq dhexe, isla markaana la doonayay in dadka rayidka lagu waxyeelooyo.
Alshabaab ayaa magaalaad Muqdisho waxay ka geysanayaan weeraro kaladuwan oo isugu jira kuwo toos ah iyo dilal iyo qaraxyo qorsheysan.

Like it? Share it!