Qarax ka dhacay xarunta UNDP Muqdisho

by Hassan Ali | Wednesday, Jan 4, 2017 | 168 views

4,Januray,2017,SofoNews) Barqo nimadii maanta ayaa waxaa Muqdisho ka dhacay qarax ka dhahasya in Gaari ay leeyihiin QM oo ah nuuca loo yaqaano Toyota Hilux oo lagu soo xiray Walxaha Qarxa uu ku  Qarxay Garaash ay leeyihiin Un-ka oo ku yaalla Xarunta Hay’adda UNDP ee ku taalla inta u dhaxeysa Garoonka Diyaaradaha iyo KM-4.

Ilo wareedyo ayaa intaa ku daraya in Gaariga loo Maleenayo in Qaraxa uu kala yimid Banaanka oo asagoo ka Maqan Garaashka lagu soo Xiray.

Inta la ogyahay labo Qof ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen Qaraxa lagu soo Xiray Gaariga,waxaana uu Burbur Xooggan soo gaaray Gaariga Qaraxa lagu soo Xiray.

Majiraan ilaa iyo haatana wax war ah oo ka soo baxay laamaha QM oo falkani ku aadan ayadoo haatan ahlkaasi ay ku wajahan yihiin saraakiil amni.

 

Like it? Share it!

Leave A Response