Qarax ka dhacay meel u dhow Madaxtooyada Maamulka Hirshabelle

by admin | Sunday, Feb 19, 2017 | 141 views

19 Feb 2017 (SofoNews) – Qaraxa ayaa sbabay dhimasha gabar yar oo 2 sano jir ah iyada oo ku geeriyootay hooyada gabadha dhaawaca soo gaaray, sida wararku ay sheegayaan.

Weriyayaal ku sugan magaalada Jowhar ayaa kuwaramaya in guriga la weeraray ay ku sugnaayeen xubno katirsan maamulka dowladda hoose ee magaalada jowhar hasee shee majirin wax qasaaro ah oo soo gaaray.

Wararka ayaa intaas ku daraya in saraakiil katirsan maamulka oo uu kamid yahay gudoomiyaha gobolka ay gaareen goobta ay wax ka dhaceen.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada jowhar kaddib ol ole uu ka waday magaalada Muqdisho xilligii doorashada xilli la saarayo cadaadis xoogan oo uu ku aadan soo dhisidda golihiisa wasiirada.

Like it? Share it!

Leave A Response