Qarax ka dhacay Kismaayo

by Hassan Ali | Wednesday, Nov 16, 2016 | 208 views

16,November,2016(SofoNews) Wararka ka imaanyaa magalaad Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qarax qasaare geystay oo saaka ka dhacay bartamaha magaladaasi ayadoo dadka ku waxyeeloobay ay yihiin dad shacab ah.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ilaa 3 qof ay ku dhinteen qaraxasi oo la sheegay in uu ka dhashay miino nuuca dhulka lagu aaso oo ku qaraxday goob maqaayad ah oo ay ku sugnaayeen dad shacab ah.

Ciidamada amaanka yaa durba goobta soo gaaray kuwaasi oo sameynayaya baaritaano ku aadan sida ay wax u dheceen iyo cidda ka dambeysa.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hose ayaa waxaa ka soconaya doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response