Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Muqdisho

by Hassan Ali | Thursday, Dec 22, 2016 | 178 views

22,December,2016(SofoNews) Gelinkii dambey ee maanta ayaa qarax ka dhacay isgoyska Balack Sea ee degmada Hodan ee magalaad Muqdisho kaasi oo sababaya qasaare dhimasho iyo dhaawac.

Ilo wareedyo ay heleyso SomaliaFocus ayaa sheegaya in 3 qof ay ku dhimatay 3 kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxaasi oo la sheegey in uu ahaa minada dhulka lagu aaso oo dhulka kujirtay.

Qaraxa oo lala beegsaday bar ay lahaayeen ciidamada nabad sugidda eek u taalay xaafaddaasi Black Sea ee magalaad Muqdisho sida ay ilo wareedyo sheegayaan.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jiray dad shacabka ah iyo askarta dowladda, waxaana halkaasi ka soconaya baaritaano ku aadan sugidda amniga.

Like it? Share it!

Leave A Response