Qarax dadi ay ku dhinteen oo ka dhacaya MUqdisho

by Hassan Ali | Monday, Mar 13, 2017 | 75 views

13,March,2017(SofoNews) Waaberigii saaka ayaa waxaa qarax xoogan uu ka dhacay qeymo kamid ah degmada Wadajir ee magaalaad Muqdisho kaasi oo dhawaqiisa laga maqlayay meel aad u fog fog.
Waxaa sheegay in Qaraxa Gaariga ay ku dhinteen illaa Labo Qof oo Saarnaa Gaari Iska Rogo ah oo Meesha Marayay,waxaana jira Dhaawacyo soo gaaray Ciidamo kamid ah kuwa Dowladda.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Qaraxu uu ahaa Gaari Caasi ah,waxaana la sheegay inuu Qarxay Xilli uu marayay meel u dhaw Warshaddii Nacnaca oo ku taalla Degmada Wadajir.
Ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya oo kusugan xero ku taala warshaddii hore ee Nacnaca ee degmada Wadajir ayaa la sheegey in gaarigasi ay rasaas ku fureen taasi oo keentay in uu qarxo.
Warshaddii hore ee Nacnaca waxaa kutaala xero weyn oo lagu tababaro ciidamada dowladda Soomaaliya, mana jiraan wax war ah oo ka so baxay saraakiisha dowladda ee ku aadan qaraxaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response