Qar kamid ah musharixiinta oo ka baaqsaday dood wadaagii lagu balansanaa

by Hassan Ali | Monday, Feb 6, 2017 | 165 views

6,February,2017(SofoNews) Maanta oo isniin ah ayaa Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ka soconaya  Dood Wadaag u dhexeeya Musharaxiinta u Tartamaya Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, taasi oo ku saabsan in qofkasta uu ku soo bandhigo wax qabadkiisa.

Waxaa Goobjoog ka ah Dood wadaagaasi  Guddiga Qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya,iyadoo Warbaahinta Madaxa banaan ay sidoo kale ay Goobjoog ka tahay.

Musharaxiinta Dood-wadaaga loo qabanayo ayaa gaaraya 23 Musharax,waxaana Wajiga Koowaad la sheegay in ay bilaabayaaan 12  Musharax,balse hadda waxaa jooga Xarunta Golaha Shacabka  tiro aad u yer oo kamid ah musharixiinta oo kala ah Bashiir Raage Shiiraar,Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi iyo Axmed Maxamed Maaldiini.

Waxaa la isku diyaarinayaa qabsoomidda doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo lafilayo in ay dhacdo maalinta arbacada ah ee soo socota oo ay taariikhdu tahay, 8bishan lamina saadaalinkaro qofka guusha u dhow maadaama musharixiintu ay yiihiin kuwo aad u tiro badan.

Like it? Share it!