Qandala iyo Xaaladihii ugu dambeeyay ee Daacish

by admin | Thursday, Nov 3, 2016 | 186 views

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in saakay xaaladu ay tahay mid degan, kadib markii shalay Degmadaasi Duqeyn lagu garaacay.

Waxaa la sheegay Dadkii ugu badnaa ee Degmada in Dooman iyo Maraakiib looga daad gureeyay Qandala, oo la geeyay Magaalada Boosaaso.

Wararka waxa ay tilmaamayaan Maraakiibta Dagaal ee Duqeynta fulineysa in ay yihiin kuwa Ciidamada NATO ee ku sugan xeebaha Soomaaliya, halkaasina u jooga la dagaalanka Burcad badeeda.

Gudoomiyaha Degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa sheegay shalay Duqeymo in ay ka dhaceen halkaasi, sidoo kalena xaaladu saakay ay mid degan, inkastoo mar walba la filan karo Dagaal.

Like it? Share it!

Leave A Response