Qaban qaabo ku aadan xafladda caleema saarka madaxweynaha oo Muqdisho ka socota

by Hassan Ali | Tuesday, Feb 14, 2017 | 148 views

14,February,2017(SofoNews)Waxaa magaalada Muqdisho ka bilowday qaban qaban qaabo ku aadan munaasabadda caleema saarka madaxweyne Max,ed C/laahi Farmaajo.
Guddi Dowladda Soomaaliya u magacawday in uu ka shaqeyo Xafladda caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa wada dadaaloku aadan qaban qaabada xafladdaasi oo ay ka soo qeyb gelidoonaan madax kaladuwan oo ka socota caalamka iyo diblomaasiyiin taasi oo dhicidoonta 22-ka bishan.
War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kuna saxiixnaa Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa lagu magacaabay Guddiga ka shaqeynaya xaflada caleema saarka oo isugu jira illaa lix guddi hoosaas.

Guddigan ayaa waxaa xubno ka ah 8 ka tirsan Wasiirada Xukuumadda, waxaana ay u qeybsan yihiin dhowr qeybood, waxaana Wasiiradan ayaa waxay kala yihiin, Wasiirada Cadaaladda, Arrimaha Gudaha, Amniga, Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, Warfaafinta, Qorsheynta, iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha.

gudi-war

gudi-war1222

Like it? Share it!