Qaban qaabada dorashada madaxweynaha Galmudug oo socota

by Hassan Ali | Monday, Mar 27, 2017 | 55 views

27,March,2017(SofoNews) Kadib kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug, ayaa waxay kaga hadleen arrimaha doorashada madaxweynaha maamulkaasi kadib markii dhawaan uu xilkii isca casilay madaxweynihii Galmudug.
Baarlamanka wuxuu magacaabay Guddi ka koobanyihiin 13 xubnood, waxaana ay dhawaan bilaabi doonaan shaqada diyaarinta doorashooyinka maamulka.
25-kii bishan Maarso, Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa u codeeyay in Doorashada Madaxweynaha Galmudug la qabto 10-ka Bisha April.
Guddoomiyaha Barlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir, ayaa sheegay in 21 Xildhibaan ay u codeeyeen in doorashada la qabto 20-ka April, halka 30 Xildhibaana ay u codeeyeen in doorashada ay dhacdo 10-ka April, sidaasina ay ku codbadiyeen 30-ka xildhibaan.
Dhaawaan ayaa raiisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu ka codsaday baarlamanka Galmudug in ay dib u dhigaan waqtiga doorashada madaxweynaha Galmudug maadaama lagu guda jiro arrimo la xiriira dhismaha xukuumad cusub

Like it? Share it!

Leave A Response