Qaar kamid ah musharixiinta oo maanta khudbado jeedinaya

by Hassan Ali | Saturday, Feb 4, 2017 | 174 views

4,February,2017(SofoNews) Waxa weli magaalaad Muqdisho Muqdisho ka soconaya dhageysiga khudbadihii musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ayadoo maanta ay khudbado jeedindoonaan dhowr xubnood.

Xubnaha maanta ku Qoran Hadal jeedinta oo ah Qeybtii Labaad ayaa waxaa kamid ah.

  1. C/naasir Cabdulle Maxamed
  2. C/raxmaan C/shakuur Warsame
  3. C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)
  4. C/laahi Cali Axmed (Cadow Cali Gees)
  5. C/laahi Cali Xasan
  6. C/laahi Ciilmooge Xirsi
  7. C/qaadir Cosoble Cali
  8. Cali Xaaji Warsame

 

Dhanka kale amaanka magaalaad Muqdisho ayaa siweyn loo adkeeyeey ayadoo Ciidamada Ammaanka ay Saakay Xireen inta badan Wadooyinka Muhiimka ah ee ku yaalla Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Soomaaliya.

Ciidamo isugu jira Boolis,Nabad Sugid iyo weliba kuwa Milatariga Soomaaliya ayaa la dhigay Wadooyinka waaweyn ee Muqdisho,waxaana yar isku socodka Dadweynaha,iyadoo wadada Maka Al-mukarama oo ah wado ay si weyn u Isticmaalaan Dowladda iyo Shacabka aysan jirin wax Gaadiid ah oo maraya marka laga reebo Gaadiidka Dowladda.

Maalinta Arbacada ah ee soo socota taariikhduna ay ku beegantahay 8 February ayaa lagu wadaa in ay dhacdo dooorashada madaxweynaha Soomaaliya ee 4 sano soo socota.

Like it? Share it!