Qaar kamid ah Caqabadaha Hortaagan Magacaabidda Wasiirada

by admin | Saturday, Mar 18, 2017 | 100 views

18 March 2017 (SofoNews) – Waxaa jira warar sheegaya in madaxda dalka ay wali ku muransanyihiin xubnihii kamid noqon lahaa golaha wasiirada cusub waxaana la sheegayaa dhowr arimood oo ay kamid yihiin:

1 – Tirada Golaha wasiirada oo lagu muransayhay in laga dhigo 30 xubnoo si loo qanciyo dhammaan beelaha islamarkaasina ay golaha iska dhex aragto beel waliba.

2 – Maamul goboleedyada oo faragelin ku haya magacaabista, iyaga oo doonaya xubno dhankooda u jan jeera in ay liiska kujiraan.

3 – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo doonaya xubno kooxdiisa kamid ah in ay tiro fiican ku yeeshaan golaha taasi soo dhoweyn Ra’isulwasaaraha.

4 – Rai’sul wasaaraha dhankiisa waxaa laga diiday in uu u madxbanaanaado liiska beeshiisa iyada oo laga diiday in liiska ku soo daro xubno beesha uu ka soo jeedo ku abtirsada.

Muddada uu qorayo sharciga in wasiirada lagu soo magacaabo waxaa uga harsan ra’isul wasaaraha 12 cisho taasi oo haddii uusan ku dhaqsan u keenikarta caqabad kale uu kala kulmo baarlamanka marka ay timaado ansaxinta wasiirada.

Magacyo horey warbaahinta ay u heshay oo kamid ahaa qorshayaasha ayaa laga yaabaa in laga saaro sida ilo wareedyo muhiim ah ay sheegayaan, waxaana ugu dambeyn la hadalhayaa in lagu dhawaaqidoono wasiirada inta madaxweyne Farmaajo u ambabixin safar gaaban uu ku tagidoono Kenya.

Like it? Share it!

Leave A Response