Puntland oo xukuno ku riday 8 dhalanyaro oo ku eedeysan Alshabaabnimo

by Hassan Ali | Wednesday, Mar 8, 2017 | 102 views

8,March,2017(SofoNews) Raga ay maxakamadda darajada koowaad ee Puntland ku riday xukunada kaladuwan ayaa gaaraya ilaa 8 ruux kuwaasi oo ku eedeysanaa falal Alshabaab laxiriira, waxaana 6-kamid ah lagu eedeeyay in ay xubno ka ahaayeen kooxda Al Shabaab.
Dadkaasi ayaa Maxkamaddu waxay ku ridday min 10-sano oo xabsi ciidan ah waxaana kamid ah Cabdiwaaxid Macallin Axmad, Maxamad Cali Xuseen, Yaasiin Maxamad Cabdi, Cabdullaahi Cabdraxmaan Barre, Ibraahim Yuusuf Muxidiin iyo Maxamad Cabdiqani Xasan.
Gudoomiyaha maxkamadda Ciidamada Puntland Cabdifitaax Xaaji Aadan ayaa sheegay in xakun lagu riday dhalinyarada ku eedeesan in Al Shabaab ka tirsanaayeen ay furan tahay rafcaan soddon malmood gudahood ah.
Xabsiyada Puntland waxaa kujira dad badan oo ku eedeysan falal Alshabaabnimo ah ayadoo dhawaanahanba ay deegaanada Puntland ka dhacayeen falal amaan xumo ah.
Qaraxyo, weeraro iyo dilal qorsheysan ayaa todobaadyadii la soo dhaafay ka dhacayay deegaano katirsan Puntland taasi sida magaalaad Boosaaso.

mubar_1 mubar_2 mubar_3 mubar_4

Like it? Share it!

Leave A Response