Puntland oo soo bandhigtay shaqtiyo cusub oo ganacsi

by Hassan Ali | Saturday, Apr 1, 2017 | 95 views

1,April,2017(SofoNews) Shirkan ay ku soo bandhigaysay wasaarada ganacsiga iyo warshadaha Puntland shatiyadan Cusub waxaa ka soo qayb galay Madaxda ugu saraysa wasaarada ,wasiir ku xigeenka dakhliga ,Hanti dhowrka guud ee Puntland ,Ganacsato iyo mas’uuliyiin ka socotay rugta ganacsiga Puntland.
Intii shirka uu socday waxay madaxda wasaaradu si faahfaahsan uga war bixisay faa’iidooyinka uu leeyahay shatigan Cusub iyo waxa uu kaag badalan yahay kii Hore ayagoo sheegey in ay tahay talaabo dhanka horumarka ah loo qaadayo.
Maxamud Jibriil Caateeye Wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyada Puntland ayaa xusay in shatigan Cusubi ganacsatada u smaynayo fursado la jaan qaadi kara dunidan casriga ah…
C/fatax Maxamed Cabdi oo ku hadlayay magaca Ganacsatda Puntland ayaa soo dhaweeyay habkan cusub ee shatiyada ganacsi talo soo jeedina sii raaciyay ..
Gabagabadii wasiirka Ganacsiag iyo warsahdaha Puntland C/wali xirsi C/dulle indha Guran oo soo xiray shirkaani ayaa sharaxaad buuxda ka bixiyay faa’iidooyinka uu leeyaahy shatigaan Cusubi ee ay wasaradu bixinayso xusayna in dhibaato xoog leh laga Gudbay…

Like it? Share it!

Leave A Response