Puntland oo siyaasadaysay qeybinta deeqaha gar gaarka ah

by Hassan Ali | Monday, Apr 3, 2017 | 131 views

3,April,2017(SofoNews) Maamulka Puntland ayaa ku dhaliilay dowladda Soomaaliya habka qeybinta deeqaha gar gaarka ah ayadoo Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Camey uu sheegey in dowladda looga fadhiyo in ay qaab cadaaladeed ay u sameyso.
Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa cadaalad darro ku tilmaamay in Puntland la siiyo lacag dhan 150,000 oo dollar, halka Somaliland la siiyay 200,000 oo dollar tasi oo uu ku sheegey in aan loo haabnayn.
Puntland ayaa u muuqata mid durbaba siyaasadeyneysa arrimaha gargaarka sama falka iyo deeqaha loo qoondeeyay maamulada dalka ka jira, iyadoo lacagaha la gaarsiiyay qaarkood ay ahaayeen kuwo loogu kala qoondeeyay hadba baahida ka jirta deegaanada.
Guddiga Gurmadka abaaraha ee heer qaran ayaa dhowaan deeqo lacageed oo loogu tala galay gurmadka abaaraha gaarsiiyay dhamaan deegaanada maamul goboleedyada dalka, iyadoo deeqdii u dambeysay oo lacageed gaarsiiyay Maamulka Somaliland oo lagu wareejiyay lacag dhan 200,000 oo dollar.

Like it? Share it!