Puntalnd oo sheegety in abaarta deegaanadaasi ay ka sii darayso

by Hassan Ali | Saturday, Mar 4, 2017 | 129 views

4,March,2017(SofoNews) Maamulka Puntland ayaa sheegey in ay ka sii darayaan xaaladaha bani’aadanimo ee kajira deegaano katirsan Puntland ayadoo dadku ay ku xoolo beelen abaaraha iyo macluusha ahlkaasi kajirta islamarkaana aanay jirin wax gar gaar ah oo ka imaanaya hay’adaha samafalka.
Madaxweyne ku xigeenka Dawlad goboleedka Puntland. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey oo howlo shaqo joogo Muqdisho ayaa lakulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, isagoo ugu horayn uga warbixiyey abaarta baaxadaleh ee ka jirta dhammaan deegaanada Puntland, waxaana uu si qoto dheer uga xog waramay saamaynta ay ku yeelatay dadka reer guuraaga ah ee ku dhaqan degaanada Puntland.
Mudane Cabdixakiin Camey ayaa u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya inay jiraan xoolo dhaqato Soomaaliyeed oo ku soo hayaamay qaarkamida Gobolada Puntland kuwaas oo ka kala yimi Waqooyiga, Galbeedka, iyo Koonfurta Soomaaliya.
Dhinaca kale, Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha DFS guushii uu ka gaarey doorashadii madaxtinimo ee Soomaaliya 8 February 2017, isla markaana waxa uu guulweyn ku tilmaamay go’aan qaadashadii geesi-nimada lahayd ee uu ku soo xushay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, isla mar’ahaantaana ay Baarlamaanka Soomaaliya si sidaasi lamida ay ku ansixiyeen.
Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland Alle uga baryey inuu ka dulqaado abaarta saamaysay dad iyo duunyoba isla markaana uu Alle ugu bedelo raxmadiisa.
Deegaanada Puntland ayaa kamid ah goobaha ay kajiraan abaarah iyo macluusha saameynta ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyada

Like it? Share it!