Oradyahanka Mo. Faarax oo sheegey in dhaqaale ugu deeqayo dadka abaaruhu ay saameeyeen

by Hassan Ali | Wednesday, Mar 15, 2017 | 75 views

15,March,2017(SofoNews) Oradyahankan asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya balse haysta dhalashada dalka Britain ayaa lagu soo waramaya in uu markii ugu horeysay ka hadlay xaaladaha abaaraha ee ka taagan Soomaaliya kuwaasi oo saameeyeey nolosha malaayiin qof oo Soomaalia ah.

Mo. Faarax oo Muuqaalkiisa kooban oo laga sii daayay Telefishinada BBC, ITV, Channel 4 iyo Channel 5 ayuu ku taageeray dadaalada ay wadaan hey’adaha gargaarka ee loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee abaaraha ay saameeyeen wuxuuna Mo Faarax dhankiis amuujiyay in uu ka damqanayo shacabka Soomaaliyeed.

Dhaqaale badan ayuu balanqaaday Mo Faarax in uu ku bixindoono sidii uu uga qeyb qaadan lahaa ugurmashada dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Oradyahankani ayaa xusay in uu yahay nin Soomaaliya ku dhashey islamarkaana uu ka damqanayo dadka dhibaataysan taasina ay ku kaliftay in loo gurmado dadka ay abaruhu saameeyeen.

Macluusha iyo abaaraha oo cuduradu ay wehliyaan ayaa gaaray heerkii ugu sareeysay ee gobolada dalka Soomaaliya, waxaana soconaya dadaalo loogu gurmanayo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Like it? Share it!

Leave A Response