Ogow Sababta: Ethiopia oo diiday in ay taageero siiso R/w hore ee Soomaaliya Doorashada 2016

by admin | Wednesday, Oct 26, 2016 | 121 views

26 Oct 2016 (SofoNews) – Dowladda Ethiopia ayaa diiday codsi qarsoodi ahaa oo ay ka heshay Raisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh kaasi oo ku han weynaa in uu taageero uga helo Itoobiya ol olaha doorashadiisa ee sanadkan.

Codsiga qarsoodiga ahaa ee Cabdiweli ayaa ku soo dhamaaday fadeexad kaddib markii diidmo uu kala kulmay hogaamiyaha Ethiopia Heilemariam kaasi oo u sheegay in haatan uusan kordhinkarin taageero uu siiyo siyaasi kale oo soomaali ah maadaama uu haatan taageerayo kuwo kale oo ol olaha doorasho qeyb ka ah.

Dowladda Ethiopia ayaa la aaminsayhay in ay saameyn weyn ku leedahay siyaasadda soomaaliya iyada oo marwaliba gadaal ka riixda siyaasiyiin aan hanaan soomaalinimo lahayn.

Fadeexadan ayaa u muuqanaysa mid dhabar jab ku ah siyaasigii dharbaxaada kulul kala kulmay madaxweynaha waqtigiisu uu idlaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud. Warkan oo SomaliaFocus ay ka heshay ilo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo ayaa intaa ku sii daraya in Ethiopia ay wado qorshe ay ku hanankarto awoodda deegaano badan oo Soomaaliya kamid ah sida maamul goboleedyada si ay u noqdaan kuwo iyada hoos taga maamul ahaan.

Like it? Share it!

Leave A Response