Ninkii laxirnaa Nelson Mandela oo geeriyooday

by Hassan Ali | Tuesday, Mar 28, 2017 | 92 views

28,March,2017(SofoNews) Dalka Koonfur Africa ayaa gaar ahaan Magaalada Johannesburg ayaa waxa ku geeriyooday Ahmed Kathrada oo ka mid ahaa shaqsiyaadkii u soo halgamay in dalkaasi laga saaro xukunkii midab takoorka.
Axmed Kathrada ayaa wuxuu ahaa nin aad ugu dhawaa madaxweynihii hore ee dalkaasi Nelson Mandela, kaasi oo ay muddo 18 sano ah ku wada xirnayeen xabsiga Robben Island ee kuyaalay dalkaasi K/Africa.
Dadweynaha reer Koonfur Africa ayaa siweyn u hadal haya geerida shaqsigaasi oo kamid ahaa dadka taariikhda dalkaasi Koonfur Africa u soo halgamay.
Markii xabsiga laga sii daayay, waxa uu ka mid noqday golaha fulinta ee xisbiga African National Congress, waxaana loo magacaabay in uu noqdo la taliyaha dhinaca siyaasadda ee Mandela.
Waxa uu ka fariistay baarlamaanka sanadkii 1999, balse weli wuxuu si firfircoon uga dhex muuqday siyaasadda. Dhawaan waxa uu cambaareeyey dadkii doonayey in uu is casilo madaxweyne Jacob Zuma.

Like it? Share it!

Leave A Response