Nin daacish katirsan oo loo diyaariyay is qarxin

by Hassan Ali | Friday, Oct 28, 2016 | 115 views

28,Oct,2016(SofoNews) Mid kamid ah Dagaalyahanada Daacish ayaa lagu wargeliyay in yahay qofka ugu horreeya oo is qarxinaya,kaasi oo durba la soo booday isbedel iyo farxad.
Sida ay baahinayaan warbaahinada ay isticmaalaan koxda Daacish, Muuqaal ay soo bandhigtay Kooxda Daacish ayaa lagu muujiyay ninkan oo ku faraxsan una dabaal dega in uu nasiib u yeeshay in uu fuliyo weerar ismiidaamin ah, waxa uuna ninkan xabadka galiyay isaga oo dhoola cadeenaya dagaalyahano kale oo katirsan Kooxda Daacish.

Ninkan ayaa sidoo kale loo diyaariyay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku filan lahaa weerarka ismiidaaminta ah, ninkan ayaan ka muuqan wax naxtin ah uu ka qabo in uu dhinto isna qarxiyo.

Dad badan oo daawaday Muuqaalkan ayaa layaab ku tilmaamay in uu qof u dabaal dego fulinta weerar ismiidaamin ah, waxaana dad badan ay rumeesan yihiin in raga is qarxiya loo sheego waxyaabo badan oo qaluubtooda roga.

Ururka Daacish oo kamid ah ururada loo yaqaano argigixisada aduunka ayaa ka dagaalama wadamo badan oo ay kamid yihiin Africa,Yurub iyo dalalka Carabta inkastoo ay jiraan weeraro lagu hayo goobaha yak u xoogan yihiin sida Ciraaq, Syria, Afganistaan iyo meelo kale.

Daacish ayaa markii ugu horeysay ka soo muuqatay Soomaaliya ayagoo u arkaysay fursad iyo straatiijiyad ay ku balaarin karto aragtideeda la xiriirta dhanka madhabta.

Deegaanada Puntland ayaa laga soo sheegay in ay ku sugan yihiin cunugyo katirsan koxdaasi kuwaasi oo markii ugu horeysay bilaabay in duulaan ay ku qabsadaan magaalooyin.

Like it? Share it!

Leave A Response