Nabadoon can ahaa oo Muqdisho lagu dilaya

by Hassan Ali | Wednesday, May 10, 2017 | 144 views

10,May,2017(SofoNews) Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, Nabadoonka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Nabadoon C/qaadir Ugaas Farey ayaa kusuganaa xiliga falka uu dhacayay  agagaarka buundada Ansalooti ee degmada Waabari,.

Maxamed C/Qaadir Ugaas Farey oo ah wiilka uu dhalay nabadoonka ladilay  ayaa Warbaahinta u sheegay in aabihiis ay dileen kooxo bistoolado ku hubeesan, waxa uuna sheegay in uusan garaneyn sababta aabihiis loo dilay.
Macadda ilaa iyo haatan sababata balse wararka qaar aya sheegaya in uu kamid ahaa odayaashii dhaqanka ee wax kasoo doortay Xildhibaanada Aqalka ee Baarlamaanka Soomalaiya.

Muddooyinkii ugu dambeeyeey ayaa Magaalada Muqdisho siyaabo kala duwan loogu dilay Odayaal iyo ergo wax kasoo doortay Xildhibaanada Aqalka hoose ee lagu soo doortay qaar kamid ah xarumaha maamul goboleedyada dalka.

Like it? Share it!