Nabadoon abaar darteed isku dilay

by Hassan Ali | Sunday, Dec 18, 2016 | 170 views

18,December,2016(SofoNews) Ayadoo ay sii kordhayaan abaaraha kajira deegaano katirsan gobolka Mudug ayaa waxa ay saameeyeen nolosha dadka iyo duunyada taasi oo keentay in ay bilowdaan in shaqsiyaadka ay si ba’an ay xoolohooda u la’deen ay gacantoodi isku dilaan.

Mid kamida Odayaasha Dhaqanka Maamulka Puntland oo lagu Magacaabo Gorod ayaa warbaahinta u sheegey in Abaartu ay sababtay in Dadka Qaarkood ay is dilaan.

Gorod waxaa uu sheegay in Xabad uu Madaxa iskaga dhubtay Nin Oday ah oo kamid ah Dadka reer Guuraaga ah ee ku nool Waqooyiga Gobolka Mudug kadib markii Xoolihii uu dhaqan jiray ay Abaartu dhaafisay.

Todobaad ka hor ayey aheyd markii Nin 60 sano jir ah uu isku Daldalay Gobolka Galgaduud markii Abaartu ay Xoolihii uu dhaqan jiray ay dhameysay.

Dhacdooyinkaan ayaa ah kuwo ku Cusub Soomaaliya,iyadoo dad badan markii ay Maqleen ay ka Naxeen.

Waxaa soconaya dadaalo loogu gurmanayo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee kunool deegaano katirsan gobolka Mudug kuwaasi oo ay iska kaashanayaan maamul ilaa qeybaha bulshada.

Like it? Share it!

Leave A Response