Nabaddoon caan ah oo Muqdisho lagu dilaya iyo howlgalo soconaya.

by Hassan Ali | Thursday, Feb 16, 2017 | 137 views

16,February,2017(SofoNews) Ciidamada amaanka degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa wada howlgalo ay ka sameynayaan xaafadaha magaaladaasi ayagoo baaritaanoku sameynaya xaafadaha.
Arrintani ayaa ka dambeysay kadib markii Kooxo hubeysan ay xaly ku dileen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho Nabadoon Muuse Maxamuud Rooble (Muuse Ilka-weyne) oo ka tirsanaa nabadoonada caanka ah ee kunool magaalada Muqdisho.
Majiraan ilaa iyo haatan war ay soo saareen saraakiisha laamaha amaanka ee ku aadan dilkaasi iyo cidda ka dambeysay, waxaana dilka nabadoonka uu dhacay salaaddii Maqrib ka dib kaasi oo ka dhacay agagaarka masaajid ku dhow Suuqa-weyn ee degmada Wadajir.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Laba nin oo bastoolado ku hubeysnaa ay rasaas ku fureen nabaddoonkaasi oo rasaasta u geeriyooday.
Ciidamada booliska degmada Wadajir ayaa daqiiqado ka dib gaaray goobta uu dilku ka dhacay, iyagoo halkaas ka sameeyey howlgalo ay ku baadi goobayaan kooxihii dilka geystay inkastoo aysan ku guuleysan.

Like it? Share it!

Leave A Response