Nabad sugidda Galmudug ayaa oo burcad badeed ka soo bad baadisay haweeney Kenyan ah

by Hassan Ali | Sunday, Oct 30, 2016 | 160 views

30,Oct,2016(SofoNews) Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidanka Nabadsugidda deegaanada Galmudug ay saaka aroortii soo badbaadiyey haweeney Kenyan ah oo u afduubneyd koox Burcad ah.

Howlgalkan oo ka dhacay deegaanka Camaara ee hoostagta degmada Xaradheere ee gobolka Mudug ayaa ilaa hadda wax faahfaahin ah oo dheeri ah laga haynin, hase yeeshee haweeneyda Kenyanka ah ayaa lagu soo warramayaa iney badqabto oo ay haatan gacanta ugu jirto maamulka Galmudug.

Horraantii sannadkan ayaa ciidammada Nabad sugidda Qaranka ee ka howlgala Galmudug waxay howlgal sidan oo kale uga soo furteen Kooxaha Burcadda ah nin la shaqeynayey haweeneydan oo ay afduub ku haysteen.

Ma ahan howlgalkii ugu horeeyey oo kooxaha burcad badeedda Soomaalida looga soo furto hpowlgal nuucaan ah dadka lahaystayaasha ah oo ay gacanta ku hayaan.

 

Like it? Share it!