Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid noqday golaha wasiirada dalka Canada

by Hassan Ali | Wednesday, Jan 11, 2017 | 214 views

11,January,2017(SofoNews) Kadib isku shaandheyn uu Ra’isal wasaaraha dowlada Canada Justin Trudea uu ku sameeyey golihiisa wasiirada  ayaa wasiirka Socdaalka ee dalkaas u magacaabay Axmed Xuseen Dirir oo ah muwaadin ka soo jeeda dalka Soomaaliya kana mid ah Mudanayaasha baarlamaanka dalka Canada.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Canada ayaa si weyn u soo dhoweeyey xilka sare ee loo magacaabay Axmed Xuseen oo noqonaya qofkii ugu horeeyey ee ka soo Somalia oo wasiir looga magacaabo dowlada Canada.

Magacaabida Axmed Xuseen ayaa  waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho 1975 -1976 waana qareen hogaamiya Xisbiga Canadian Somali Congress, waxaana 19kii Oktoobar 2015 loo doortay xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka Canada.

Soomaaliya ayuu ku soo barbaaray Axmed Xuseen wuxuuna tegey dalka Canada isagoo ah qaxooti sanadkii 1996-dii isagoo dugsisa sare ka dib waxbarashadiisii taqasuska ku qaatay Jaamacada Ottawa qeybta sharciga.

Muddooyinkii ugu dambeeyeey Soomaalida kinool dalalka caalamka ayaa waxaa ay sameynayeen horumar ayadoo dhawaan Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed ay ku guuleystay in ay kamid noqoto xisbiga dimoqraadiga ee dalka Mareykanka.

Like it? Share it!