Muslimiinta kunool dalka Jermalka oo walaac xoogan soo food saaray

by Hassan Ali | Friday, Apr 28, 2017 | 89 views

28,April,2017(SofoNews) Xildhibaanada aqalka hoose ee baarlamaanka dalka Jarmalka ayaa ansixiyey sharci mamnuucaya xirashada indho shareerka oo inta badan ay xirtaan Muslimiinta taasi oo walaac xoogan ay dhalisay.

Waxaa wararku ay sheegayaan in Sharcigan la horgayn doono aqalka sare e baarlamaanka si loo meelmariyo, wuxuuna Shaqaalaha dawladda, garsooreyaasha iyo askarta ka hor istaagi doonaa inay goobaha shaqada indho shareer ku xirtaan.

Waxaa arintaasi siweyn ugu ololeynaya Xisbiyada dhanka midig kaasi oo doonaya in gebi ahaanba dalka laga mamnuuco.

Qoysas tiradooda ay ku u dhaafaysao 1 milyen ayaa bilihii ugu dambeyeey gaaray dalka Jarmelka kuwaasi oo u badan muslimiinta bariga Dhexe.
Arrintaas waxaa dabosocday weeraro kala duwan oo ay qaadeen dad jihaad doon ah, waxaana ka mid ahaa midkii Baarliin ka dhacay maalintii Ciidda masiixiyiinta ee loo adeegsaday gaariga, kaasoo ay ku nafwaayeen 12 ruux.

Bishii Desembar ee sanadkii hore ayay Angela Merkel ku baaqday in indho shareerka laga mamnuuco meel kaste oo sharcigu ogol yahay, iyada oo sheegtay in uusan munaasab ku ahayn dalkeeda.

Like it? Share it!

Leave A Response