Musharixiinta aqalka sare oo maanta khudbado jeedinayo

by Hassan Ali | Saturday, Jan 21, 2017 | 128 views

21,January,2017(SofoNews) Ayadoo maalinta beritu ah lagu wado in la qabto doorashada guddoonka aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabti ah waxaa Magaalada Muqdisho ka dhaceysa Munaasabad lagu soo bandhigayo waxqabadka musharixiinta u taagan qabashada xilka guddoonkaasi.

Doorashada guddoonka aqalka sare ayaa ilaa 16 xubnood oo u taagan guddoonka iyo kuxigeenadiisa kuwaasi oo maanta soo bandhigaya siyaasadooda.

Berri oo Axad ah ayaa la filayaa Haddii Alle idmo in ay dhacdo Doorashada Guddoonka Aqalka Sare.

Ammaanka xarunta ay ka dhaceyso Munaasabadda Musharaxiintu ay Qudbada ku soo jeedineyaan ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana wadooyinka lagu arkaya ciidamo aad u farabadan.

Sidoo kale doorashada kadib waxaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya afarta sano ee soo socota taasi oo laga warsugayo in uu iclaamiyo guddoonka baarlamanka Soomaaliya.

 

Like it? Share it!

Leave A Response