Musharixiin u taagan qabashada xilka madaxweynaha Galmudug

by Hassan Ali | Thursday, Apr 6, 2017 | 74 views

6,April,2017(SofoNews) Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle ayaa sheegay in ay soo gabi gabeeyeen diiwaan gelinta musharaxiinta xilka Madaxweynaha, waxa uuna tilmaamay in sedex Musharax ay buxiyen Shuruudihii looga baahnaa.
Tirada musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha dowlada goboleedka GAlmudug ayaa ah ilaa 4 musharax kuwaasi oo kala ah, , Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Musharax Axmed Shariif, iyo Musharax C/Qaadir Shirwac.
Gudoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in aysan waxbo iskabadaleyn jadwalka doorashada Madaxweynaha, waxa uuna tilmaamay in doorashada ay dhici doonto waqtigii loogu tala galay.
Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa u muuqata mid aan xiiso badan laheyn xiligan, waxaana la filayaa in Magaalada Cadaado gaaraan dhawaan Masuuliyiin katirsan Xukuumada kana dalbadaan Baarlamaanka in doorashada dib loo dhigo si ay u noqoto mid loo dhan yahay.
Dhawaanahan waxaa siweyn loo hadal hayay doorahsdaa madaxweynaha Galmudug tan iyo markii uu xilka ka degay madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed

Like it? Share it!

Leave A Response