Muqdisho’Macalin qarax ku dhintay

by Hassan Ali | Wednesday, Mar 1, 2017 | 123 views

1,March,2017(SofoNews) Falalka isugu jira qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ayaa soo badanaya maalbahan ayadoo dhowr jeer falal qaarijin ah ay ka dheceen magaalaad Muqdisho xaafado kamid ah.
Falkii ugu dambeyeey ayaa ahaa Qarax xiray Gaari oo maanta Xaafada Suuq Boocle Ee Degmada Dharkeenley lagula Eegtay Macalin Wax ka dhigayay iskuu lagu magacaabo Halgan Oo kamid ah Iskuulada Ku yaala Degmada Dharkeenley.
Macadda ilaa iyo haatan sababta iyo cidda ka dambeysa dilka macalinkaasi balse arrintani ayaa u muuqata in ay qeyb ka tahay dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaalaad Muqdisho.
Macalinka ayaa la sheegay in uu ku geeriyooday Qarixii lagu xiray Gaarisiisa waxaana marxuumka Qaraxaasi lala eegtay Magiciisa lagu Soo Koobay Aadan Wuxuuna Xiligaasi kasoo baxay Iskuulka uu Wax kadhigayay.

Like it? Share it!

Leave A Response