Muqdisho oo mowshin cusub ka socda

by Hassan Ali | Monday, Mar 6, 2017 | 90 views

6,March,2017(SofoNews) Ilo wareedyoku dhow dhow mudanayaasha baarlamanka Soomalaiya ayaa sheegaya in Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay wadaan diyaarinta Mooshin ka dhan ah Saldhiga Milatari ay Dowlada Imaaraatka Carabta ka dhisaneyso Garoonka Diyaaradaha Magaalada Berbera kaasi oo in muddo ah qorshihiisu uu socday
Xubnahani ayaa ka soo horjeeda qorshaha ay dowlada Imaaraatka kula wareygeyso garoonka Diyaaradaha magaalada Berbera halkaas ay ka dhiganeyso Saldhig Milatari arrintaasi oo saameyn balaaran ku yeelatay dareenka bulsho badan.
Qaar kamid ah Xildhibaanada diyaarinaya mooshinkan ayaa waxay sheegeen in dhawaan la hor geyn doono baarlamanka Soomaaliya si arintaasi wax looga qabto.
Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa kasoo horjeeda saldhiga Milatari ee Dowlada Imaaraatka ka dhisaneyso Garoonka Diyaaradaha magalaada Berbera, waxaana arintan ay xumeesay xirirkii ka dhaxeeyay Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka.
Maamulka Somaliland ayaa kula heshiisay Dowlada Imaaraatka in Saldhiga Milatari ka dhisato garoonka Diyaaradaha ee Berbera, waxaana maamulka Somaliland heshiiskaasi ay meel mariyeen labada aqal ku heleen malaayiin Dollar oo lacag ah.
Wararka qaar ayaa sheegaya in mas’uuliyiin sare oo katirsanaa dowladdii hore ay wax ka ogaayeen heshiiskasi oo u dhexeeyey Soomaliland iyo Imaaradka Carabta

Like it? Share it!

Leave A Response