Muqdisho oo lagu qabtay gaari qraax ka buuxa

by Hassan Ali | Friday, Apr 28, 2017 | 67 views

28,April,2017(SofoNews) Kadib howlgal ay sameeeyeen ciidamada hay’adaha amaanka dowladda Soomaaliya ayaa gacanta waxay ku dhigeen gari laga soo buuxiyaay waxyaabaha qarxa.

Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegey in ay  Toogasho ku dileen Nin waday Gaari Caasi ah oo Ciidamadu ay ku amreen inuu istaago balse ka dhaga adeegay taasi oo keentay in rasaas lala dhoco.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya weli si rasmi ah ugama hadlin arintani ayadoo laga sugayo in ay jawaab ka bixiyaan

Falka ayaa  ka dhacday Iridka Madiina Gate ee Xarunta Ciidamada AMISOM ee Xalane oo ku taala garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalaad Muqdisho, ,waxaana hadda Goobta yaalla Gaarigii Caasiga ahaa oo loo maleynayo inuu sido Qarax.

Ciidamada amaanka ayaaa wada baaritaano ku aadan arintani  ayadoo dhowr jeer weeraro qaraxyo ah lala beegsaday xarunta xalane, waxaana horay u dhacday in albaabka ore ee Xalane lagu qarxiyo gawaari .

 

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response