Muqdisho oo laga hirgeiyay dhisme cusub oo uu yeesho aqalka sare ee baarlamanka Soomalaiya

by Hassan Ali | Monday, Jan 2, 2017 | 199 views

2,1,2017(Sofonews) Cabdirashiid Cali Sharmaarke ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cumar oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Aqalka sare ayaa kormeer ku tagey xafiisyo cusub oo loo diyaariyey in ay ku shaqeeyaan Xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, Waxana ay kormeer ku tageen qaybaha kala duwan ee ka kooban yahay dhismaha oo isgu jira Xafiisyo iyo Hoolka Shirarka.

Dhismahan ayaa waxa uu ku yaalaa degmada Shibis, waxana dhisay Dawladda Turkiga, iyadoo loo qorsheeyey in uu noqdo xarunta ay ku shiri doonaan Aqalka ee Soomaaliya kuwaas oo horey dalkeena uga jirin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dawladda aynu walaalaha nahay ee Turkiga sida wanaagsan ee mar waliba ay u garab taagan tahay Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, wuxuna tilmaamay in dhismahani uu dabooli doono baahidii loo qabay xarun ay ku shaqeeyaan Aqalka Sare ee Soomaaliya.

R.Wasaaraha ayaa waxaa kormeerka ku weheliyey Senator Abshir Bukhaari, Senator Prof Cabdirisaaq Xasan Cismaan Juurile iyo Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) oo dhammaantood ka mahadceliyey sida wanaagsan ee Dawladda Turkigu ugu wareejisay dhismahan xarunta u noqon doona Aqalka Sare ee dalka.

Waa markii ugu horeysay oo dalka uu yeesho labo aqal ayadoo ilaa iyo haatan anay cadayn qaabka ay noqon doonaan shaqooyinka ay qabanayaan.

unnamed unnamed-1 unnamed-3 unnamed-4

 

Like it? Share it!