Muqdisho oo dib uga bilaabatay doorashada xunahaha matalaya gobolada Waqooyi

by Hassan Ali | Monday, Dec 19, 2016 | 199 views

19,December,2016(SofoNews) Ayadoo maalmahan hakad ay kujirtay Doorashada Xubnaha Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ayaa markale maanta dib uga bilaabatay Magaalada Muqdisho.

Waxaa maanta la doortay xubno cusub oo matalaya gobolada waqooyi ee Soomaaliya waxaana weli harsan xubno kale oo labada aqalba leh.

Doorashada Golaha Shacabka ee Goballada Waqooyi ayaa xubnaha maanta la doortya waxaa kamid ah  ah Faadumo Ismaaciil Xuseen ,Cusmaan Cilmi Boqorre iyo ismaaciil Bashiir Sheekh C/raxmaan

Doorashooyinka Kuraasta Barlamaanka federaalka Soomaaliya ee Gobolada Waqooyi ayaa horey ay ugu soo baxeen dhowr Xildhibaan, balse uu hakad yari galay, ayaa  maanta markale dib uga bilaabatay Magaalada Muqdisho.

Doorashooyiinka Labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa badi la soo dhamaystiray, waxaana harsan oo kaliya qaar ka mid ah Kuraasta Gobolada Waqooyi.

 

Like it? Share it!