Muqdisho iyo xaalkeeda xalay

by Hassan Ali | Wednesday, Feb 8, 2017 | 134 views

8,February,2017,(SofoNews) Habeenimadii xalay ayaa waxaa la soo afjaray ololihii ugu dambeeyey ee dhanka doorashada ayadoo lacago aad u farabana oo kor u dhaayafa 30-ilaa 50, 000 kun oo dollar lagu gorgortamayay xilka madaxtinimo.

Hoteelada Muqdisho xalay laga ma seexan waxaana waaga uu ugu baryay olole balaaran oo saka uu soo afjarmay, waxana loo dareerey goobtii codbixinta.

Amaanka magaalaad Muqdisho ayaa siweyn loo adkeeyey inkastoo xalay la maqlayaay dhawaqa qaraxyo iyo iska hor imaad kooban oo ka dhacay duledka magaalaad Muqdisho.

Musharaxiinta qaar ayaa la sheegayaa inay sare u soo kacayaan rajadooda, waxaana suuqa soo galay warar sheegaya inay socdaan isbaheysiyo ay sameynayaan Musharaxiinta, waxaan dadkaasi kamid aha  Maxamed C/llaahi Farmaajo oo rajadiisu aad u kacday xalay.

Musharaxa Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isna ololihiisa xalay ahaa mid aad u xooggan, iyadoo xildhibaano fara badan uu ku qaabilay hoygiisa.

Sidoo kale Musharax Cumar C/rashiid ayaa la sheegay inuu isna xalay dhaq dhaqaaqiisa aad u xoogganaa, isla markaana ilaa saaka waabarigii uu waday qaabilaada Xildhibaanada.

Musharax Xasan Sheekh iyo kooxdiisa Ololaha ayaa soo gaba gabeeyay ololahooda ugu weynaa, waxaa xalay aan laga seexan Hotelka SYL oo qeyb ka mid ah ololahooda ka socday iyo guri ku dhow Madaxtooyada.

lama saadaalinkaro ciidda ku soo baxaysa doorashada balse Illaa 4 Musharax ayaa laga doonayaa inay wareega labaad u soo baxaan hadalhaynta ugu badan aya ah ciida guusha helidoonta maadaama doorashada sanadkan ay tahay mid ka duwan doorashooyinkii hore.

Like it? Share it!