Munaasabad lagu taageerayay golaha wasiirada oo lagu qabtay Suudaan

by Hassan Ali | Sunday, Mar 26, 2017 | 127 views

26,March,2017(SofoNews) Munaasabadan taageerada loogu muujinayay dhamaan Golaha Wasiirada magacabaan si gaarana loogu taageerayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Yuusuf Garaad Cumar iyo Wasiirka Warfaafinta Eng: Cabdiraxmaan Cumar Yariisow ayaa ka dhacday hoolka xarunta Haldoor ee Magaalada Caasimadda ah ee Khartoum.
Munaasabadaas oo ay soo qabanqaabisay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan ayaa waxaa kasoo qayb galay Lataliyaha Koowaad ee Safaaradda Abuukar Boston, Uqaybsanaha Warfaafinta Fiidow Maxamuud Fiidow, Xoghayaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Suudaan Cabdiwali Xasan Xuseen Fadiilatu iyo madaxda ururada kala duwan ee Dalka Suudaan ka jira.
Kulankaas ayaa lagu taageeray labada Wasiir oo lasheegay in ay yihiin dad howlkar ah oo shaqada loo idmaday kasoo bixi kara, iska mar ahaantaana loogu baaqay Baarlamanka Soomaaliya in uu ansaxiyo Golaha Wasiirada uu magacaabay Raysul Wasaare Xasan Cali Khayre.
Cabdiwali Fadiilatu, Fardowso Qorane, Juweeriya, Nuux Cali Dheere, Inshaar Cabdijaliil iyo kuwa kale oo badan oo munaasabad qudbado ka jeediyay ayaa bogaadiyay in labadan Wasiir loo magacaabo xilalka kala ah Arrimaha Dibadda iyo Warfaafinta ayna yihiin dad lagu maleenayo in ay xilkaas kasoo bixi karaan.
Dhanka Safaaradda oo ay goobjoog ka ahaayeen Abukar Boston iyo Fiidow Maxamuud ayaa iyagana ugu baaqay Baarlamaanka in waqti kale shacabka Soomaaliyeed uga dhumin soo xulis wasiiro kale ee kuwan hada lasoo magacaabay la ansaxiyo si howlaha qaran ee dhiman loo qabto.

Like it? Share it!

Leave A Response