Mudo 25 sano kadib oo markii ugu horeysay diyaaraddda Jabuuti Airlines soo caga dhigatay Muqdisho

by Hassan Ali | Tuesday, Nov 15, 2016 | 238 views

15,November,2016(SofoNews) Waxaa maanta soo Caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho  Diyaaradda  ee Jabuuti Airlines ayaa muddo 25 Sana kadib Magaalada Muqdisho.

Diyaaradda ayaa duullimaad toos ah waxay ugu billoowday Magaalooyinka Jabuuti iyo Muqdisho, iyadoo ka qayb qaadan doonta howlaha isu socodka Dadka Soomaaliyeed ee u kala gooshaya Labada Dal ee Walaalaha ah.

Jabuuti Airlines, ayaa ka mid noqonaysa Shirkado duullimaad oo heer Caalami ah, kuwaasoo dhowaanahanba Safarro shaqo oo toos ah ka waday gudaha Dalka Soomaaliya gaar ahaa Caasimadda Muqdisho.

Tani ayaa qeyb ka ah xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal Soomalaia iyo Jabuuti oo ah dalal walaalo ah.

Like it? Share it!