Mudane katirsan baarlamanka Puntalnda oo Niaroobi dhaawac ugu geeriyooday

by Hassan Ali | Sunday, Mar 19, 2017 | 80 views

19,March,2017(SofoNews) Warar goor dhow inaga soo gaaray magaalada nairoobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in uu geeriyooday mudane katirsanaa baarlamanka Puntland oo u geeriyooday dhaawac uu ka soo gaaray qarax dhawaan lala beegsaday.
Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan ayaa muddooyinka lagu dabiibayay isbitalka kuyaala magaalad Nairoobi halkaasi oo la sheegey in uu maanta ugu geeriyooday dhaawacii ka soo garay qarixii ka dhacay magaalada Gaalkacyo kadib markii gaari uu watay lagu xiray qaraxaasi.
Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa xaqiijiyay in Xildhibaan Bootaan uu ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada Nairobi.
Waxaa lagu wadaa in meydkiisa loo soo qaaday deegaanada Puntland, si loogu aaso, waxaana socda qaban qaabo loogu sameynayo aaskiisa.
Al-Shabaab ayaa horay u sheegatay mas’uuliyada qaraxaas, waxaana uu noqonayaa xildhibaankii u horeeyay oo ka tirsan Puntland oo lagu dilo qarax gaarigiisa loogu xiro.

Like it? Share it!

Leave A Response